Wednesday, July 1, 2026
25 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii Axmed Madoobe iyo Xasan Sh. Maxamuud?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Xasan Sheekh ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Labadaan mas’uul ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii madasha ay door ugu yeelan laheyd go’aanka doorashooyinka dalka.

Kulankaan ayaa yimid kadib War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo eedeyn culus loogu jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlihii dalka oo dhan ay ku soo aruureen gacanta Madaxweynaha JF Somaliya Farmaajo. 

Ugu dambeyn, Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii-talisnimo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...