Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa ka ogtahay in Dhoobo-Daareed uu qorshe halis ku ah madaxweyne Deni kaga dhawaaqay gobollada Sanaag iyo Sool?

 

Sanaag (Halqaran.com) – Cabdi-xakiin Maxamuud Axmed, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland (Dhoobo-Daareed) ayaa Gobollada Sool iyo Sanaag ka wada abaabul la xiriira dhismaha Maamul aan hoostagin Puntland iyo Somaliland.

Dhoobo-Daareed ayaa waxaa uu kulamo ka wadaa labada gobol, isagoo la tashiyo la sameynaya Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, wuxuu ka soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyay isaga oo sheegay in ay xaq darro ahayd xil ka qaadistiisa oo loo maray sida uu sheegay waddo sharci darro ah.

Markii Xilka laga qaaday ayaa waxaa uu tagay magaalooyin ay ka mid tahay Xingalool, halkaas oo uu ka billaabay kulamo ka dhan ah Puntland

Xilka qaadista Xildhibaan Dhoobo Daareed ayaa ka dhalatay khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Si kastaba, maamulka Puntland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin xilka qaadista Dhoobo-Daareed, iyada oo siyaasiyiin ku sugan Garoowe la sheegayo in ay ugu baaqeen tanaasul.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...