Maxaa ka jira in Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS ay saxiixeen mooshin?

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa saxiixay mooshin ay ku dalbanayaan in loo kordhiyo mushaaraadka, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen xildhibaanno.

In kabadan 100 Xildhibaan la ayaa sheegay inay saxiixeen mooshinkaasi dalbashada mushaar kordhinta ah.

Xildhibaannadan ayaa si weyn uga soo horjeestay gunno dhimis lagu sameeyay, markii Wasaaradda Maaliyadda ay hakisay lacag dhan 1,100 dollar oo loogu tala galay Darawalada iyo ilaalada Xildhibaanka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa go‘aamisay in akoonka Xildhibaanka lagu shubo 3,000 oo ah mushaarkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com