Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Kaddib kulan ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir guddoominayo Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxay si dhow uga wada hadleen arrimaha amniga.
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxay isla garteen in dib u dhac uu ku yimid amniga Magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii Dowladda Federaalka Somaliya lagu wareejiyay amniga magaalada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug, Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dib u dhac uu ka muuqdo amniga Magaalada Dhuusamareeb, isagoo sababtana ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada ka dhaceen, falal aan horey uga dhici jirin.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta markii kulankaasi la soo geba-gabeeyay ayaa tilmaamay in dib u dhacaan uu yimid, wixii ka dambeeyay markii Dowladda Somaliya ay la wareegtay amniga Xarunta Gobolka Galgaduud.
Wasiirka ayaa muujiyay in Dowladda Somaliya ay ka gaabisay dardargelinta amniga Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu amnigu Dhuusamareeb maanta ka hooseeyo, xilligii dowladda lagu wareejinayay.
Wasiir Duraan ayaa intaasi ka dib sheegay in Golaha Wasiirada Galmudug lagu amray inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday, ayna u shaqeeyan bulshada ay ka masuulka yihiin.
”Dhammaan Golaha Wasiirada Galmudug waxaa la faraya in ay gutaan waajibaadkooda loo igmaday, una adeeggan bulshadooda.” Ayuu yiri Duraan Maxamed Samatar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com