Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Maxaa hortaagan Jaamacada Carabta inay cambaareyso heshiiska Imaaraadka & Isreal?

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, laakiin waxay awoodi waayeen in ay xubnaha Jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiisay bishii hore.

Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lah-jaddooda ku aadan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal.

“Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro soo jeedinta Falastiin ,” sidaa waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha guud ee Jamacadda Hossam Zaki oo warfidiyeenka la hadlay.

Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay oo dal Carbeed uu la galo Yuhuudda muddo ka badan 20, wuxuuna abuurey hadal heyn badan guud ahaan dunida Muslimka.

Falastiiniyiinta ayaa aad ugu walaacsan in tallaabada Imaaraadka ay wiiqi karto qadiyadda Falastiin ee muddada dheer soo taagneyd- taas oo loo yaqaano hindisaha nabadda Carabta oo dhigaysa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulka ay xooga ku qabsaday dagaalkii 1967 isla markaana la yegleelo dowlad Falastiin leedahay .

“Waxaan weydiisanay in si cad oo aan la leex leexad laheyn loo cambaareeyo cid kasta oo jabisa hindisaha nabadda Carabta balse waan gaari waynay,” wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...