Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa baajiyay ciyaartii Caawa Finalka aheyd ee degmooyinka gobolka Banaadir? (Ogow Sababta)

Garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow ee Degmada Cabdicasiis /Sawir Hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa war ka soo saaray cayaartii Finalka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo caawa lagu waday inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho, inkastoo ay cayaartaasi baaqatay.

Cayaartan kubadda cagta oo lagu waday inay dhex marto Degmooyinka Dharkiinley iyo Waaberi ayaa waxaa ku timid dib u dhac aan la fileynin, xilli ay aad u sugayaan bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay ka xun yihiin dhib u dhac ku yimid cayaarta, oo sida qoraalka lagu sheegay ku timid cilad farsamo awgeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu bulshada Soomaaliyeed dib kaga soo sheegi doono waqtiga ay ka qabsoomeyso Magaalada Muqdisho.

“Waxay ahayd in ay caawa dhacdo cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, sidaas darteed inaga oo ka xun dib u dhaca ku yimid cilad farsamo awgeed waxaan la wadaageynaa bulshada Soomaaliyeed in waqti dhow la qaban doono tartankaas. Waqtigaas oo aan dib ka soo sheegi doono.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taageerayaal fara-badan oo caawa isugu yimid Garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow ee Degmada Cabdicasiis ayaa waxaa loo sheegay in cayaarta ay baaqatay, iyagoo ka xun ayayna dib guryahooda ugu laabteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...