Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo tallaalka Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho keentay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo tallaalka Pfizer ee loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka mid ah ballanqaadka Maraykanka uu kaga jawaabayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo xanuunka COVID-19, isagoo u maraya qaybinta tallaalka COVAX.

Madaxweyne Biden sida uu xusay, Mareykanka waxaa ka go’an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarida masiibada Covid19.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo ah tallaalka COVID-19, kaasi oo adduunka oo dhan ah, Ilaa hadda Maraykanka 500 milyan oo tallaal ah ayuu  gaarsiiyay in ka badan 115 waddan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...