Tuesday, July 14, 2026
25.4 C
Mogadishu

Mareykanka oo si kulul u eedeeyay dowladda Shiinaha, kaddib markii…

Washington (Halqaran.com) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Shiinaha ku eedeeyay inuu ku kacay masuuliyad darro, ka dib markii uu Shiinuhu sheegay inuu joojiyay wadiiqooyinka xiriirkii ay Beijing la laheyd Washington.

Shiinaha oo aad uga carooday booqashadii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ee Taiwan ayaa Jimichii ku dhawaaqay inuu joojiyay iskaashigii iyo wada shaqayntii ay Mareykanka ka lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga gaashaandhigga, ka hortagga dembiyada xuduudaha, ka ganacsiga daroogada iyo is bedelka cimilada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ku sugan Magaalada Manila ee dalka Philippines ayaa sheegay in Beijing ay ku degdegtay tallaabooyinka ay qaaday, ha yeeshee ay Washington ka fogaan doonto wax kasta oo xaaladda kaga sii dari karta.

“Tan iyo markii uu Shiinuhu bilaabay inuu rido gantaalada, Beijing waxay qaaday tallaabooyin masuuliyad darro ah, waxay joojisay sideed dhinac oo labada dal ay si toos ah uga wada shaqayn jireen.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Antony Blinken ayaa yiri “Wada shaqayntaasi ayaan uga baaqsan jirnay is faham waa iyo inay dalalkeena ka dhex dhalato xasarad hor leh. Waxaan sidoo kale iska kaashan jirnay la dagaalanka dembiyada iyo ka hortagga daroogada, kuwaas oo badbaadin jiray nolosha muwaadiniinta Mareykanka, Shiinaha iyo weliba dalal kale oo caalamka ah. Waxay sidoo kale Beijing ay joojisay iskaashiga aan ka lahayn is bedelka cimilada.”

Waxa kaloo uu yiri “Dalka hawada ku sii daaya Carbone-ka ugu badan ayaa hadda diidan inuu naga la shaqeeyo wax ka qabashada xasaradda cimilada.”

Blinken ayaa Beijing ku eedeeyay inay qaadeyso tallaabooyin ay dooneyso inay ku bedesho nidaamka la isla ogolyahay ee hadda ka jira gobolkaasi.

“Ma jirto wax sabab ah oo lagu macnayn karo falcelintan militari ee xad dhaafka ah iyo isku dheelitir la’aanta. Hadda waxay qaadeen tallaabooyin halis ah oo heer cusub ah.” Ayuu Blinken ku sheegay shir jaraa’id oo Caasimadda Manila uu ku qabtay.

Nancy Pelosi ayaa noqotay masuulkii ugu sarreeyay ee Mareykan ah oo booqda jasiiradaasi, markii ugu horreysay muddo 25 sano ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...