Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo noqday dalka ugu dhimashada badan dunida cudurka Coronavirus

New York (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa haatan noqday waddanka ugu dhimashada badan marka la eego dadka u dhimanaya cudurka Coronavirus caalamka oo dhan, waxa uuna xitaa ka dhimasho badan yahay dalka Talyaaniga.

Xogtan ugu dambeysay oo ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins ayaa muujinaysa in gudaha Mareykanka ay cudurkaasi ugu dhinteen 20,000 qof.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso xilli hal maalin oo kaliya ay 2,000 oo qof ay dalkaasi cudurka Coronavirus ugu dhinteen.

Barasaabka gobolka New York, Andrew Cuomo, ayaa shalay sheegay in dhimashada uu cudurkan sababayo ay uu muuqato mid sii yaraaneyso.

Waxa uu sheegay in dhawr maalmood oo is-xig-xigay ay 783 qof u dhinteen cuudrkaasi.

Gobolkaasi New York ayaa noqday xuddun dhexaadka faafitaanka cudurkaasi ee gudaha dalka Mareykanka, waxaana cudurka laga helay 180,000 qof halka guud ahaan dalka oo dhan uu cudurkani soo ritay qiyaastii in ka badan 520,000 oo qof.

Ilaa shalay oo Sabti ahayd, hal gobol oo kaliya ayaa dalkaasi Mareykanka oo dhan ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, si looga jawaabo faafitaanka cudurkani oo in kabadan 100,000 oo qof ay u dhinteen dunida oo dhan.

Dalka Talyaaniga ayaa haatan geeridu waxay mareysaa 19,468 halka Mareykanka ay ka tahay 20,506 oo qof, sida lagu sheegay xogta Jaamacadda Johns Hopkins.

Dr Anthony Fauci, oo ah mas’uulka Mareykanka u qaabilsan cudurrada faafa ayaa sheegay in dalkaasi uu billaabay in uu yareeyo heerka dhimashada iyo sidoo kale faafitaanka cudurka balse waxa uu soo jeediyay in aan la qaadin amarka ah in dadku kala fogaadaan.

Amarkaasi oo uu madaxweeyne Trump soo saaray ayaa sii jiri doona ilaa 30-ka bishan Abriil.

Madaxweynaha ayaa haatan wajahaya culeyska shaqo la’aanta ka dhalatay cudurka oo haatan gaartay ugu yaraan 16 milyan oo qof, taa oo dhaawac ku ah dhaqaalaha dalkaasi.

Aqalka Koongareeska ayaa haatan ku dedaalayo sidoo loo barataari lahaa dhaqaalaha dalkaasi.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...