Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo Kulan gaar ah la qaatay Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Gen. Dagvin R.M. Anderson oo ah taliyaha Hawlgalada gaarka ah ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM), ku-xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Yamomota, ayaa waxay kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula yeesheen Saddex ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Kulankaan oo ahaa mid wadajir ah ayaa Safiirka Mareykanka iyo saraakiisha Ciidamada Mareykanka la yeesheen Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Wararka ayaa sheegaya, in kulankaas looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka Ururka Al-Shabaab iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga amniga ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamomota ayaa sheegay in Mareykanka uu weli diyaar u yahay in uu taageero xoogan siiyo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa DANAB ee uu maamulo si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegan amniga dalkooda.

Kulankan dhexmaray Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota ayaa ku soo aadayaa xilli dhawaan Mareykanka uu sheegay in howlaha Amni ee Soomaaliya uu ku bixiyay lacag ka badan shan bilyan oo dollar 20-kii sano ee lasoo dhaafay, balse aan natiijadii loo baahnaa laga helin.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo farabadan oo amniga uu kamid yahay, waxaana diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka fuliyaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan dalka, kuwaas oo uu sheego Mareykanka in uu ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, balse ay dhibaato xooggan ka soo gaarto inta badan dad shacab ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...