Wednesday, April 22, 2026
28.3 C
Mogadishu

Mareykanka oo DFS iyo Dowlad goboleedyada ugu baaqay inay si deg-deg ah xal uga gaaraan doorashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada inay si deg-deg ah uga wada hadlaan xalna ka gaaraan arrimaha muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka.

War qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in waqtiga uu yahay mid socda, isla markaana loo baahan yahay in saamileysa siyaasadeed ee ka heshiiyaan doorashada.

“Waqtigu wuu socdaa, Waxaan ka codsaneynaa madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada inay hadda kulmaan, wax sax ahna u qabtaan dadka Soomaaliya, oo ay dhameystiraan doorashada‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada cadaadis ku saareysa sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashada loona qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...