Wednesday, April 29, 2026
28.5 C
Mogadishu

magaalada Guriceel oo Gacanta Ugashay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) –  Ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug oo la wareegay dhamaanba fariisimihii Ciidan ee ay ka dagaalamayeen xoogaga hubeysan ee Ahlusunna ee degmada Guriceel.

Maamulka guriceel iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa dadwaynaha ugu baaqay in ay kusoo laabtaan guriyohooda, iyagoo cadeeyay in lasoo gaban gabeeyay howlgalkii socday.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xoogaga Ahlu Sunna ay haatan gaareen deegaanka Godwiil oo dhaca dhanka waqooyi degmada Guriceel.
Baxitaanka Ahlusunna Ayaa lasoo warinayaa Inay kadambeyso kadib wada hadal illa xalay socday oo ay gar wadeen ka ahaayeen ganacsatada deegaanka oo uu hogaaminayay Ganacsade Xaanshi Carabeey .

Sidoo kale Kooxda Ahlusunna ayaa ogolaatay inay Wareejiyaan Laba gaari oo dagaal,ayna horay ugu qabsadeen Dagaalkii Bohol.

Qaar kamid ah ganacsatada dhax dhaxaadka ka eheed dagaalka ayaa sheegayn in la sameyn doono guddi si loo sii wada in dhammaan tabashooyinkii dagaalka dhaliyay xal waarana laga gaaro .

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo shaley  ka hadlay Xaaladda Guriceel ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahal nabadeed balse maamulkiisa aanay aqbali doonin in hub wax lagu raadiyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...