Friday, April 10, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun Ku Ridday Dad Ajaaniib ah oo Amaanka Dalka Qatar ku Ahaa

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun xabsi 5 sano ah ku riday maanta oo talaado ah Matt Bryden, oo ah agaasimaha guud ee hay’adda cilmi-baarista Sahan, taasoo ka shaqeysa dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Africa.

Matt Bryden, ayaa lagu eedeeyay isaga iyo shan qof oo kale oo uu ku jiro Rashid Abdi in ay bixiyeen xogta amaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research.

Lixda qof ayaa sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo. Kuwa kale ee ku jira warqadda dacwadda waxaa ka mid ah Colin Robinson, oo isku sheegay inuu yahay falanqeeye milateri iyo difaac, Khayre Cabdiraxmaan Raage, Emmanuel Deiser iyo David Hopkins.

wararka ayaa sheegaya in Maxamadda ay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka.

Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya.

Gudaha Dalkeena  Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala hay’ado laga leeyhy waddamo shisheeye oo aan la ogeyn Waxa ay ka qabtaan Dalka , kuwaasi oo la sheego in qaarkood ay Qatar ku yihiin sirta qaranka iyo Amaanka Dalka , inkastoo haatan  xukun shan sano ah lagu riday Milkiilaha Sahan Research.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan ayaa ku dhawaaqay xukunka dacwada loo heystay Hey’adda Sahan Reseach iyo agaasime Hey’adda Matt bryden.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...