Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Gargaar udirtay Magaalada Guriceel

Muqdisho (Halqaran.com) – wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka  ee Xukuumadda Soomaaliya   ayaa Gargaar deg deg u dirtay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal qaraar oo sababay in gabi ahaan dadkii Magaaladaas ay barakacaan.

Wasiirka Gargaraka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu Guriceel gaari doono maanta iyo berri oo khamiis ah.

Sido kale Galmudug ayaa looga fadhiyaa in ay dejiso qorshaha Dadkaan dib loogu celinayo Guryahooda maadaama Degmada Guriceel ay u gacan gashay Ciidamada DFS & kuwa Dowlad-Goboleedkaas, Guddoomiyaha Degmada Guriceel waxa uu Dadka ka barakacay Degmadaas ka dalbaday in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

“Dadkii ka barakacay Magaaladaan waxa aan ugu baaqayaa in ay dib ugu laabtaan guryahooda, Magaaladu waa mid degen oo gacanta ciidamada Dowladda ayuu soo galay, Bulshadii la barakaciyay ee guryahooda difaaca laga qoday dib ha usoo laabtaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Guriceel.

Dhanka kale Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa maanta si caadi ah ku soo laabatay, waxaana waaberigii hore ee saakay ee halkaas isaga baxay Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca ee dagaalka la galay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug.

ugu dambeyn Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lixaad leh ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, isla markaana waxaa xusid mudan in dadka dhintay ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...