Wednesday, April 29, 2026
28.5 C
Mogadishu

AMISOM oo ka Hadashay Eedeyntii Ahlusunna ee dagaalkii Ka dhacay Guriceel

Muqdisho (Halqaran.com) – Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin eedeynta ah in Ciidamadooda ka qeyb qaateen dagaalkii Guriceel ayna taageereen Ciidanka dowladda, isla markaana eedeymahaas ay hihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in khilaaf laga dhex abuuro AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa ay AMISOM ku sheegeen in marnaba aysan sina kaga qayb qaadan dagaaladii hubeysnaa ee dhiiga badani ku daatay ee dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel.

” Hawlgallada AMISOM, oo ay ku jiraan hawlgallada milatari iyo taageerada Ciidanka DFS, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgallada iyo Xeerarka Hawlgelinta ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay AMISOM.

Dhawaan ayay ahayd markii hoggaanka ugu sarreeya Ahlu-Sunna ay sheegeen in Ciidanka  AMISOM ay qayb ka  ahaayeen dagaalkii Dowladda iyo Galmudug ay Ahlu-sunna kaga qabsadeen magaalada Guriceel oo markii hore ku dhacday gacanta Xoogagga ASWJ.

Taliska AMISOM ayaa sidoo kale xusay in ciidamadooda ay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...