Beleweyne (Halqaran.com) – Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaa maanta lagu qabtay doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.
1: Hop#032 ayaa waxaa markale Maanta ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga Dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan khaliif Cabdi Cumar oo kursigaan horay ugu fadhiyay, wuxuuna helay Codad gaaraya 81 Cod halka Musharaxii la tartamayay ee Axmed Cumar Gureey u helay 10 Cod,, waxaana halaabay7 cod.
2 :Hop#068 oo ay horay ugu fadhisay Faadumo Faarax Ibraahim, balse sanadkaan laga wareejiyay ayaa waxaa ku guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Moalimuu,waxaana cod gacan tag ah ugu codeeyay 92 Ergo oo maanta ku sugnaa Goobta doorashada.
3 :HOP#022 ayaa waxaa ku guuleystay Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Faadumo Maxamed Cabdulle, waxaana Cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Cismaan Maxamed Cabdi Daalo uu helay 80 Cod mana jirin cid diiday ama ka aamustay.
4: Hop# 033 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharax Aadan Qaasim Maxamuud, waxaana cod gacan tag ah oo loogu ceeyay uu helay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene 88 Cod oo aheyd Ergadii goobta fadhisay.
5: Hop#006 ayaa waxaa markale ku guuleystay Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed ( Abuukaate) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharaxii latartamayay ee Cabdinaasir Cumar Cabdulle, waxaana cod gacan tag ah oo loogu ceeyay uu helay Maxamuud Cabdullahi Axmed ( Abuukaate) 91 Cod laba Ergo ayaana diiday.
6 : Hop#252 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cabdikariim Cabdow Xeydar kadib markii ay tanaasushay Maariya Najiib Maxamed oo la tartamaysay.






Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





