Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Putin oo heegan sare galiyay Ciidamada Nukliyeerka Dalkiisa.

Kyiv (Halqaran.com) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in ciidamada nukliyeerka Ruushka ay heegan sare galaan  si ay uga jawaabaan waxa uu ugu yeeray “hadallada gardarada ah” ee hogaamiyaasha  NATO.

 

Amarka ayaa ka dhigan in  hubka nukliyeerka ee Ruushka loo diyaariyay diyaargarow dheeri ah , taasoo sare u qaadaysa khatarta ah in xiisadaha ay isku bedeli karaan dagaal nukliyeer ah.

 

Putin oo ka hadlayay kulan uu la qaatay saraakiishiisa sare, ayaa  waxa uu  faray wasiirka gaashaandhigga Ruushka iyo taliyaha guud ee ciidamada militariga inay ciidamada ku shaqada leh hubka  nukliyeerka  heygan galaan.

 

 

“Wadamada reer galbeedku kaliya maaha inay qaadayaan tallaabooyin saaxiibtinimo oo ka dhan ah waddankeena dhinaca dhaqaalaha, laakiin saraakiisha ugu sareysa ee xubnaha ka ah NATO waxay sameeyeen hadallo gardarro ah oo ku saabsan waddankeena,” Putin ayaa ka yiri  telefishinka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...