Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo xabsiga laga sii daayay

South Africa (Halqaran.com) –  Jacob Zuma, madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaa xabsiga laga soo daayay, kadib markii uu dhammeystay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu xukumay, sida ay sheegtay dowladda waddankaasi.

Mr Zuma ayaa sanadkii hore lagu xukumay 15 bilood, kadib markii uu iska dhaga tiray awaamiir maxakamadeed oo amreysay inuu yimaado dhageysiga eed la xiriirtay musuqmaasuq intii uu ahaa madaxweynaha dalkaas, laakiin ay maxkamaddu sheegtay inuu ixtiraam darro ku sameeyay amarkaas.

Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa is dhiibay Toddobadii Julay ee sannadkii hore, si uu u billaabo xukunkiisa muddada uu xabsiga ku jirayo, taasoo kicisay rabshadihii ugu xumaa ee Koonfur Afrika soo marta muddo sanado ah, iyadoo taageerayaashiisa xanaaqsan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

War bayaan oo uu soo saaray Mr Zuma ayuu ku sheegay inuu dareemay nafis markii uu noqday nin xor ah, wuxuuna u mahadceliyay taageerayaashiisa.

Ugu dambeyn, Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa lagu sii daayay cafis caafimaad bishii Sebtembar 2021. Balse bishii December, maxkamada sare ayaa dhinac isaga saartay go’aanka sii dayn sharafeedka, waxayna ku amartay inuu xabsiga ku laabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...