Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General Odawaa Yuusuf Raage iyo General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in labada taliye uu ka dhageystay warbixin guud oo la xiriirta amniga dalka iyo qorsheyaasha hortebinta leh ee xilligan kala guurka.

“Waxaan kulan la qaatay Taliye-yaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorsheyaasha hortebinta leh xilliga kala guurka.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa amniga ku tilmaamay muhiimadda 1aad ee dowladdiisa, isagoona yiri “Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda.”

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...