Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday Magalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa halkaasi ka billaabaya kulamo looga hadlayo arrimo badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la filayaa in uu Jimcaha maanta ah la yeesho madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo tan Puntland.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa mad madowga soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, taas oo ka dhalatay magacaabistii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Madaxweyne Deni uu fagaaro ka sheegay in aan laga talo gelin magacaabistiisii.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada daddaalo ku aadan sidii wadashaqeyn fiicn uu ula yeelan lahaa Madaxda dowlad Goboleedyada oo hadda uu kaga imaanayo culeyso xoogan.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee deegaannada Puntland oo loo qorsheeyay muddo laba cisho ah ayaa ka badan karta maadaama xaaladdo dhowr ah ay iska jiraan, waxaana sidoo kale Madaxweynaha la filayaa in uu booqdo deegaanno katirsan maamulka Jubbaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





