Kampala (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa maanta lagu wadaa in kulan la yeesho dhiggiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni.
Labadan mas’uul ayaa kawada hadli doona arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Uganda, Iskaashiga ee ku saleysan dhinacyada horumarinta iyo amniga.
Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.
Wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan dowrka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





