Washington (Halqaran.com) – Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay inuu ka qaado dowladda Suudaan xayiraada saaran iyo in uu ka saaro liiska argagixisada taasoo dowladda ku meel gaarka ah ee Khartoum ay gaarsiin karto guul diblomaasiyadeed ka hor doorashada madaxweynaha Mareykanka.
Trump ayaa sheegay in Suudaan ka saarayo liiska dawladaha taageera argagixisada haddii ay bixiyaan magdhow gaaraya $ 335 million oo dollar oo lasiinaayo ehelada dadkii ay wax yeelada kaso gaartay weerarada argagixisada.
“War aad u weyn! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay inay $ 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska. Markii la dhigo, waxaan ka qaadi doonaa Suudaan liiska Taageerayaasha Argagixisada ee Gobolka” ayuu sheegay Madaxweyne Trump.
Hadalka Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa yimid bilo kadib markii Mareykanka iyo Suudaan ay gaareen heshiis laba geesood ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





