Saturday, May 16, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxweyne QoorQoor oo dalka Turkiga u ambabaxay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi kaariye (QoorQoor) ayaa Galabta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin kala duwan.

QoorQoor oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradahada Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, ayaa waxaa uu ku baaqay in shirka 15 Agoosto si mugleh looga soo qeyb-galo, isaga oo rajeeyay inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad.

Waa Safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) uu dalka uga ambabaxo tan iyo labadii bishii Febaraayo ee sanadkaan xilligaas oo magaalada Dhuusamareeb loogu doortay Madaxweynaha Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...