Monday, June 1, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa Arbacadii maanta ka furay Magaalada Jowhar kalfadhiga 3aad Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirro Salaadiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magalada Jowhar.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha guud ee amaanka, howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Arrimaha dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, dhameystirka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Hirshabeelle iyo dhismaha golaha cusub ee wasiiradda Hirshabeelle oo maalmaha soo socda la magacaabi doono.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa Guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka uga mahadceliyay gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah waxa uuna ka dalbaday inay xoojiyaan u shaqeynta bulshada iyo la xisaabtanka Xukuumadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...