
Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Cali Bariise.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa caawa tebisay in Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkii ka xayuubiyay Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Xoogga Dalka.
SONNA warka kuma kala caddayn in Madaxweynuhu uu Taliye Ku-xigeen kale soo magacaabay iyo in kale, balse waxay xil ka qaadistiisa ku sheegtay, markii uu Madaxweynuhu arkay baahida loo qabo tayaynta iyo qalabaynta joogtada ahi ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Tallaabada xilka looga xayuubiyay General Maxamed Cali Bariise ayaa waxay ku soo aadaysaa, maalin ka dib weeraradii uu dhiigga badani ku daatay ee Shabaabku ka gaysteen Gobolka Shabellaha Hoose.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Arbacadii laba weerar oo is barbar socday waxay ka kala gaysteen Xerada Ciidamada Dowladda ee Ceel Saliini iyo Degmada Qoryooley.
General Bariise ayaa xilkan loo magacaabay 10-kii bishii October ee sanadkii 2019, ka dib digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





