Tuesday, June 23, 2026
25.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyay ururrada bulshada rayidka hannaanka geedi socodka Siyaasadda +(SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka, ugana shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.

Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...