Monday, February 9, 2026
24 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga Duulista Rayid, magacaabisna sameeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka, oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka, Golaha Xukuumadda, Xildhibaanada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...