Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka.
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, sidii uu Madaxweynuhu u saxiixi lahaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay horey u soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka aya waxaa la sheegay inay Madaxweynaha ka codsadeen in la dedejiyo ansixinta wax ka bedelka Sharciga Xisbiyada, oo horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga ayaa waxay mid muhiim ah u arkaan inay isla jaanqaadaan labada sharci, haddii ay sharciyadoodu isa saamaynayaan, waqtiguna uu isa soo gurayo.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ay Gudoomiye u tahay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa Isniintii Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kuwaa oo ay talooyin ka yeesheen Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






