Tuesday, May 26, 2026
26.5 C
Mogadishu

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo oo gaaray Doolow + (SAWIRRO)

Doolow (Halqaran.com) – Taliyaha Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamad Caddow Cali (Sanka) oo ka hawlgala Gobolka Gedo ayaa hawlo shaqo u tagey Degmada Doolow.

Taliyaha oo markii ugu horeysay ay noqonayso inuu booqdo degmadaasi, tan iyo markii ay 4-tii bishan la wareegeen Ciidamada Dowladda Somaliya, oo kala wareegay Ciidanka Jubbaland ayaa kaga qaybgalay kulan looga hadlayay amniga Gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa kulankan la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Degmada Doolow, waxaana uu kulanku ahaa mid diiradda lagu saarayay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya inay dhinacyadan isla garteen in laga wada shaqeeyo amniga gobolka, lagana hortaggo cid kasta oo amniga wax u dhimaysa, iyadoo dhinaca kalena la sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh, kaasoo u muuqdo mid meesha looga saarayo joogitaankii Jubbaland ee gobolkaasi.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa waxay soo xoogeysteen, ka dib markii la sheegay inuu xabsiga ka baxsaday Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Tan iyo markii uu xoogeystay khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ee ka dhashay doorashadii marka labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Maxdaxweynaha Jubbaland ayay dowladdu ku guuleysatay inay kala fur furto Saraakiishii Ciidamada, Gudoomiye-yaashii Degmooyinka iyo Maamulkii Gobolka Gedo, iyadoona intooda laga dhaadhiciyay inay ka horyimaadaan Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...