Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo Buuq iyo Sawaxan kala kulmay khudbad jeedintii maanta ee kalfadhiga BFS

Muqdisho (Halqaran.com) – Khudbad uu Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta hareeyay Buuq iyo Sawaxan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu bilaabay Khudbadda buuq iyo sawaxan kala kulmay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka.

Hadal jeedinta Madaxweynaha ayaa Muddo daqiiqo ah waxaa hareeyay Buuq, maadaama xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay kala hortageen Madaxweynaha Orin iyo firinbi laga maqlaayay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddoonka Aqalka Sare ayaa dadaal ku bixiyay in Xaaladda la dejiyo, waxaana xildhibaanada ugu baaqayeen in ay ilaaliyaan dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xildhibaano yar ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan Khudbadbadiisa.

Ugu dambeyn, jawiga xarunta Golaha Shacabka oo caadi kusoo laabtay, ayaa madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Khudbadiisa dastuuriga ah u jeediyay si taxadar leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...