Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyay Daah-furka Mashruuca Dhismaha Dekedda Hobyo!

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Wafdiga sare ee ka socda Dowladda Qatar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qatar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka Mashruuca Dekeda Hobyo.

”Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qatar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekeda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com