Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyay Daah-furka Mashruuca Dhismaha Dekedda Hobyo!

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Wafdiga sare ee ka socda Dowladda Qatar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qatar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka Mashruuca Dekeda Hobyo.

”Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qatar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekeda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...