Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu soo noqday dalka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qayb galay Shirka wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socda ayaa dalka Jahbuuti uga qeyb galay Shirka wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo uu maanta khudbad ka jeediyay munaasabadda daah furka go’aamadii shirka Jabuuti, waxaana uu u rajeeyey in shirkani uu guul, iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa kor joogteyn doona wada-hadallada ay sii amba qaadayaan guddiyada ka kala socda labada dhinac ee DF Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay la magacaabay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...