Sunday, June 21, 2026
25.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan oo markale khadka teleefanka kuwada hadlay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in ay wada hadleen Madaxweynaha Turkiga.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu dhigiisa Turkiga kaga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo agabka caafimaadka, ee ay sida deg-degga ahi ugu soo direen dalka.

“Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan. Aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad, ee ay sida deg-degga ah noogu soo direen.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in taageerada Xukuumadda Ankara, ay kaalin weyn ka gaysanayso ka hortagga iyo la dagaalanka xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

“Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaa ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka COVID-19.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Bisha Cas ee Turkiga ayaa Xukuumadda Soomaaliya ka gacan siineysa la dagaallankeeda Cudurka Coronavirus, iyadoona uu yoolku yahay in la xakameeyo faafitaanka xanuunkaasi.

Ugu dambeyn, Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Soomaali leedahay, iyadoo dhinacyo kala duwana uu ka taageero.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...