Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulan albaabada u xiran hadda uga socdaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Waa markii ugu horreysay oo ay madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe kulan fool ka fool ah isu arkaan, tan iyo markii la isku khilaafay doorashada Jubbaland oo markale Axmed Madoobe ku soo baxay, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay doorashadaaasi.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda daddaalo la doonayo in lagu guuleysto xallinta labadan mas’uul ka hor furitaanka wajiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb.
Dadaalada iyo isu keenida Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa waday R/Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo mar dambe ku soo biiray.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





