Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Donald Trump oo weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar

Washington (Halqaran.com) – Madaxweyne Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Congareeska Mareykanka ka dib markii ay dhawaan ku eedeysay in Madaxweynaha uu qeyb ka yahay siyaasadda Arrimaha dibada ee fashilan gaar ahaan xaaladdaha dalka Yemen.

Trump ayaa sheegay in Ilhaan Cumar iyo Joe Biden oo ah Musharaxa la tartamaya ay doonayaan in dad muhaajiriin ah ay soo galiyaan Mareykanka.

“in 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden” ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Xilli uu la hadlaayay taageerayashiisa Madaxweyne Trump wuxuu aad ugu soo celceliyay magaca Ilhaan ilaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.

”Ilhaan Cumar Waxay Jeceshahay Yemen Laakiin Ma Jecla Dalkeena ” ayuu mar kale yiri Trump.

Waxaa sii xoogeystay Khilaafka dhanka Siyaasada ah ee ka dhex taagnaa Madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...