Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa la qaaday isbitaalka ciidanka Walter Reed oo ku yaalla magaalada Washington DC, saacado ka dib markii Jimcihii laga helay Cudur Corona Virus.
Trump ayaa waxaa diyaarad Helicopter ah ka raacay Aqalka cad, si halkaasi lagula socdo xaaladiisa caafimaad.
Dhaqtarka gaarka ah ee Trump ayaa ku taliyey in Trump la siiyo dawooyinka antibody cocktail oo ay farsamaysay shirkadda Regeneron Pharmaceuticals, kuwaas oo ka caawin doona in hannaanka neef mareenkiisu si wanaagsan u shaqeeyo.
Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa sheegay in calaamadaha karoonaha ee madaxweynaha ay yihiin kuwo aan darneyn, balse iyada oo la tixgalinayo talada dhaqaatiirta uu madaxweynuhu joogi doono Walter Reed halkaas oo uu ku shaqeyn doono xafiis uu ku leeyahay.
Walter Reed oo ah isbitaal ciidan oo weyn waa halka ay madaxweyneyaasha Mareykanka ku maraan baaritaankooda caafimaad ee sanad laha.
Donald Trump waa 74 jir taas oo sii kordhin karta taxadarka dhaqtarkiisa maadaama cudurka karoonaha halis ku yahay dadka waayeelka ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





