Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Deni oo Tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Puntland (SAWIRO)

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF oo tababar uga soconaayay Magaalada Boosaaso.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda kana difaacaan cadowga.

Wuxuu ku ammaanay saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen, maadaama uu sheegay juhdiga la galiyay Ciidankaasi inay ka muuqatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...