Madaxweyne Deni oo Tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Puntland (SAWIRO)

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF oo tababar uga soconaayay Magaalada Boosaaso.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda kana difaacaan cadowga.

Wuxuu ku ammaanay saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen, maadaama uu sheegay juhdiga la galiyay Ciidankaasi inay ka muuqatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com