Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Dowladdu u xilsaartay duufaantii GATI.
Gudiga ayaa si faah faahsan uga warbixiyqy saamaynta khasaare ee ka dhalatay duufaantaasi oo ku dhufatay gobolada Gardafuu, Bari iyo Karkaar.
Guddiga Puntland ay u xilsaartay duuftaantii GATI ayaa waxa ay xaqiijiyeen in shacab ay ku nafwaayeen, xoolo tiro badanna ay ku le’deen, iskaashatada kalluumaysataduna ku waayeen dad iyo qalabba, guryo iyo duunyo kalena ay waxyeelaysay.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa bogaadiyay safarkii Guddigu ku tageen Goboladaasi iyo shaqada guddiga ee hordhaca ah, wuxuuna faray Hay’addaha Dowladda in guddiga lagala shaqeeyo gurmadka iyo sidii dadka waxyeeladu gaartay wax loo gaarsiin lahaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





