Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Madaxweynayaashii hore ee dalka oo kulan la yeeshay hoggaanka dhaqanka Beesha Muddulood

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta madasha ee magaalada Muqdisho kula kulmay hoggaanka dhaqanka beesha muddulood.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Waxaa kulankan looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay Shir dhawaan magaalada Muqdisho uga furmi doona beesha Muddulood, kaasi oo lagu wado in uu qabsoomo 13-ka bishaan July .

Waxaana shirkaasi ka soo qeybgeli doona dhammaan xubnaha beesha ku matala dowladda iyo siyaasiyiinta kale.

Kulanka madaxda Madasha xisbiyada Qaran iyo hoggaanka dhaqanka beesha muddulood ayaa ku soo dhammaaday jawi deggan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...