Monday, April 27, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Turkiga ‘Erdogan’ oo wada qorshe ciidamo loogu dirayo Libya

Ankara (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in baarlamanka dalkiisa uu bisha Janaayo u codeyn doono mooshin ciidamo loogu dirayo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda Qaramada Midoobay ay taageerto ee Tripoli.

“Waxaan mooshin ciidamo loogu dirayo Libya horgeyn doonnaa baarlamanka, marka ugu horreysa ee kalfadhigga uu dib u billaabo 7-da Janaayo” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara.

“Insha Allah, mooshinka waa lagu ansixin doonaa baarlamanka, 8-da ama 9-ka Janaayo, si aan uga jawaabno codsi nooga yimid dowladda fadhigeedu yahay Tripoli” ayuu yiri.

Hadallada Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu sabtidii meel-mariyey heshiis wada-shaqeyn militari iyo mid amni ah oo ay gaareen Ankara iyo xukuumadda Libya ee ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj.

Hase yeeshee, dirista ciidamo dhulka ah ayaa u baahan mooshin kale.

Erdogan ayaa arbacadii booqasho aan la shacain ku tagay dalka Tunisia, isaga oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga iyo madaxa sirdoonka dalkaas, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-xaajoodyo ku saabsan sidii xabad joojin looga hir-gelin lahaa Libya.

Libya ayaa waxaa dhowaanahan halakeeyey dagaal u dhaxeeya dowladda fadhisa Tripoli ee caalamku aqoonsan yahay iyo ciidamo uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar oo doonaya inuu dalka qabsado.

Dowladaha Turkey iyo Qatar ayaa taageera dowladda Tripoli, halka Haftar uu taageero ka helo Masar, Imaaraada Carabta iyo Russia.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...