Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland ‘Muuse Biixi’oo qaabilay Wafdi ka socda Midwoga Yurub iyo UK

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda Midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u tegay indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha wafdiga uga mahadnaqay imaan shiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay meel ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu wafdiga uu u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lex jeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeerayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa u mahadnaqay shacbiga Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka.

Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa, Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...