Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Togdheer

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Biixi Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan karo Masuuliyadda ka dhalaneysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: la-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga billaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii gobolka Togdheer ee Somaliland, Xamse Maxamed Cabdi, kaas oo 7-bishaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...