Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)ayaa Xarunta Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Ururka Caalamiga ee Socdaalka IOM.
Kulankaasi oo ay goobjgayaal ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Axmed Madoowe Nuunow Maxamed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Cabduqadir Maxamed Baafo.
Waxaa Diirada Lagu Sarayey Sidi IOM u kordhin lahayd Shaqada ay ka wado Gobolada Koonfur Galbeed, Waxaana aad loo falan qeeyey Sida ugu Haboon ee Wax loogu qaban Lahaa Arimaha Barakacayaasha Cafimaadka iyo Dardar Gelinta Mashariicda Dib u dhiska Magaaloyinka .
Madaxda Kasocotay Hay.adda IOM ayaa Balan qaaday inay Sii Kordhin Doonan Adeegyada Shaqo ee ay ka wadaan Koonfur Galbeed Waxayna Sheegen in Dadka Barakacayaasha ah ee Soo Wajahay Dhaxanta iyo Roobabka Deerta ah ee Ka unkaday Guud ahaan Dalka ay Kaalmo Deg deg ah ay lasoo Gaari Doonan
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay‘adda IOM, waxana uu boggaadiyey Shaqada baaxada leh ee ay kawadan Gobolada Koonfur Galbeed.
Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyay in ururka uu istaago sidii ay Wax uga qaban lahayeen arrimaha Bini adanimada, gaar ahaan tayenta Xarumaha Caafimadka Barakacayasha iyo Kordhinta Mashariicda dib u dhiska.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com