Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Caawa dagaalkii ka dhacay Ceelasha Biyaha + Khasaare

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Faah faahin ayaa kasoo baxeysa dagaal Ciidamada Booliska iyo maleeshiyaad ku dhexmaray deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Booliska ay weerar ku qaadeen Ciidan maleeshiyaad ah oo ku sugnaa xarunta deegaanka Ceelasha biyaha halkaasi oo Guddoomiyaha uu soo kaxeystay Ciidankaasi.

Hal ruux oo ka mid ahaay Maleeshiyaadkii hubaysnaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaa kale oo ku dhaawacmay laba kale Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay hal ruux oo ka mid ahaay maleeshiyaadkii dagaallamay.

Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha biyaha oo watay Ciidanka maleeshiyaadka ayaan agtiisa meesha kala cararay, kadib markii uu ka cabdsooday in ciidamada ay gacanta ku soo dhigaan.

Xarunta deegaanka Ceelasha biyaha oo ah goobta weerarka ka dhacay ayaa waxaa la wareegay ciidamadii Booliska oo halkaasi gacanta ku haya.

Si kastaba, maleeshiyaadkii kale ayaa ka cararay goobta, waxaana Booliska ay wadaan baaritaan ku aadan halka ay aadeen Maleeshiyaadkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...