Xudur (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,
Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmada Xudur ku soo dhaweeyay, Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.
Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmada Xudur ayaa waxaa lagu sheegay ka jawaabida baahiyaha heysta Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo muddo ka badan 8 sano u go’doonsan Al-Shabaab.
Safarka deg-deg ah ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmada Xudur ayaa waxaa uu ka dambeeyay, Kadib markii Bulshada Magaalada ay ka banaanbaxeen xaalado adag oo Magaalada kajira, taas oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.
Madaxweyne Laftagareen oo Warbaahinta la hadlay sheegay in Al-Shabaab ay dhamaan xireen waddooyinka soo gala degmada Xudur si ay u sii kordhiyaan cunaqabateyntii ay ku hayeen Shacabka degmada.
Sidoo kale, wuxuu Sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gubeen 17 Gaari oo ay lahaayeen Ganacsatada degmada Xudur, waxaana uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka inay u soo gurmadaan Shacabka dhiban ee degmada Xudur.
Ugu dambeyn, bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa labo laabay xayiraadka magaalada Xudur, waxay gubeen gaadiid badan oo magaalada u siday raashiin iyo waxyaabaha nolasha muhiimka u ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





