Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo Shir ay DF Somaliya soo qaban qaabisay ka furay Kismaayo + (SAWIRRO)

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Sabtidii maanta daah-furay shirka wasiirrada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta miisaaniyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta dalka.

Shirkan oo in mudo ah soo socday ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Axmed Madoobe ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu adduunku ku leeyahay si ay usoo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka taas oo ah wax mudo ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhaxeeyay Khilaaf ka dhashay doorashadii Madaxweynaha Jubbaland ee Kismaayo ka dhacday oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay aqoonsato.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid ka guuleystay dowladda Federalka Soomaaliya, maadaama dowladda shir Maaliyadeed ay ku qabsaneyso Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...