Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Jimcihii maanta magaalada Kismaayo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa waxa uu Saraakiisha ka dhageystay warbixino ku aadan amniga Magaalada Kismaayo iyo dilkii ugu dambeeyay ee hal habeen ka hor magaaladaasi loogu gaystay Suldaan Cabdirashiid Dhurre.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Saraakiisha Ciidamada amray inay xaqiijiyan nabadgelyada, isla-markaana ay ka hortaggaan falalka lidiga ku ah xasiloonida.
Sidoo kale, hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay kasbadaan kalsoonida shacabka, islamarkaana ay ka shaqeeyan badbaadadooda.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com