Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah la yeeshay saraakiisha Amniga + (SAWIRRO)

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Jimcihii maanta magaalada Kismaayo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu Saraakiisha ka dhageystay warbixino ku aadan amniga Magaalada Kismaayo iyo dilkii ugu dambeeyay ee hal habeen ka hor magaaladaasi loogu gaystay Suldaan Cabdirashiid Dhurre.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Saraakiisha Ciidamada amray inay xaqiijiyan nabadgelyada, isla-markaana ay ka hortaggaan falalka lidiga ku ah xasiloonida.

Sidoo kale, hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay kasbadaan kalsoonida shacabka, islamarkaana ay ka shaqeeyan badbaadadooda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...