M/weynihii hore ee Puntland: ”Eng. C/raxmaan Yariisow oo kale Soomaalidu waa ku yar yahay”

Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Gaas / Sawir hore

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow).

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa marka hore ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Cabdiraxmaan Yariisow kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid maalintii Khamiista.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Gaas ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Yariisow oo kale uu ku yar yahay Soomaalida, markaan eeggo buu yiri akhlaaqdiisa iyo dabciyaadkiisa.

”Runtii Cabdiraxmaan wuxuu ahaa shakhsiyaad anigu aan is leeyahay Soomaalidu waa ku yar tahay mararka qaarkood, markaan eeggo akhlaaqdiisa iyo dabciyaadkiisa.” Ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Cabdiweli Gaas ayaa yiri ”Shaqada marka uu qof la hayo daacadnimadiisa iyo hawlkarnimadiisa ayaa ugula shaqeeyaa, inta aan wada shaqayneynay nin aan dhib badnayn, nin aan waxyaabaha shakhsiga ahoo gaarka ah ee rabitaanka ay aad ugu yaraayeen. Waa qof marka aad shaqo u dirto shaqadiisa aad ku kalsoon tahay inuu siduu yahay uga soo baxayo.”

Wuxuu tilmaamay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa in Cabdiraxmaan Yariisow uu la taliye u ahaa, isla-markaana uu ku aaminay arrimo badan intii uu la shaqaynayay.

”Marka anigu aan Ra’iisal Wasaaraha ahaa la taliye ayuu ii ahaa, Golaha Wasiirada kuma uusan jirin laakiin Wasiir buu soo maray. Shaqooyin badan ayaan dalka ka qabanay qoritaankii Dastuurka uu ka mid yahay, inuu ka qaybgalay shirarkii Qaramada Midoobay, arrimo badanoo aan ku aaminay way jirtay.” Ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa intaa ku daray ”Mar walba wuxuu ahaa gacan-yarahayga ila socda, ila shaqaynayay. Nin wuxuu ahaa anigu intaan shaqo u diro Cabdiraxmaan Yariisow kalsooni darro ku qabo inuusan qabanayn marnaba aysan dhacin, inta looga baahan yahay iyo in dheeraadaba ninka sameeyuu ahaa.”

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa Eng.Yariisow ku ammaanay weligii inaanu weydiisan in Golaha Wasiirada uu ka mid noqdo amaba uu u magacaabo Duqa Magaalada Muqdisho.

”Weligiis inta uu ii yimid Cabdiraxmaan waxaasaa rabaa i sii, ima uusan oranin. Wuxuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan aqbal ah, dabeecad wanaagsan, hawlkar ah. Ninka dee hami buu leeyahay uu wax walba ku noqon karay, waa istaahilay inuu Wasiir iyo Mayor ahaado intaba.” Ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Si kastaba ha’ahatee, ninka ceynkaasi ah ayaa waxaan illaa iyo hadda la garanayn ciddii ka masuulka ahayd qaraxii lagu dilay, iyadoo ay Dowladda Soomaaliya ka cago-jiideyso inay soo bandhigto natiijada baaritaankii la sameeyay, si shaaca looga qaado cid kasta oo ku lug laheyd dilka loo gaystay isaga iyo intii kale ee la shaqayneysay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com