Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Odayaal dhaqameed ka tagay Muqdisho oo madaxweynaha Somaliland kula kulmay Hargeysa

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qaabilay Odayaal dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho.

Odayaal dhaqameedkan ayaa u tagay magaalada Hargeysa, sidii ay ula wareegi lahaayeen maxaabiis uu dhawaan madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay.

Madaxweynaha Somaliland wafdiga uu ku qaabilay Hargeysa, ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad.

Muuse Biixi, ayaa kulan kula qaatay madax dhaqameedka ka socda Beelaha Hawiye xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Odayaal dhaqameedkan ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyay cafiska uu u fidiyay 19-ka maxbuus oo burcad badeednimo u xirnaa, kuwaa oo laga soo wareejiyay dalka Seychelles.

Kulanka, kaddib madaxda dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyagoo hoggaaminaya 19-ka maxbuus ee uu cafiska u fidiyay madaxweynaha Somaliland ayaa isla maantaba dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Wafdiga madaxda dhaqanka ee Beelaha Hawiye ayaa soo sagootiyay la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha dhallinyarada, Mr. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Maxaabiistan dhawaan cafiska loo fidiyay ayaa muddo 9 sano ah ku xirnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...