Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaaqay dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, xilli deegaano badan ay haystaan Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu iclaamiyay dagaalkaasi, waxaana sidoo kale Madaxweynaha uu ka hadlay laba sano kadib masiibadii Zoobe ka dhacday.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xusuusta dhacdadii 14 Oktoober ee Sanadkii 2017ka Weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee Isgoyska Zoobe ay tahay inay nagu dhiiri galiso sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada  in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhacdadaas ay banaanka  soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan oo lala galo.

Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas  Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...